Shirkada TELESOM oo 10.000 Doolar guddoonsiisay Ururka ARNA si waddooyinka loogu dhiso.

Shirkada Isgaarsiinta TELESOM ayaa lacag gaareysa 10.000 Doolar guddoonsiisay Ururka ARNA si loogu taabo galiyo dhismaha waddooyinka gobalka Awdal gaar ahaan wadada isku xidha Boorama ilaa Dilla.

Shirkada ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay oo lacag intaa gaareysa ugu deeqday ururka ARNA iyadoo aysan jirin ilaa iminka shirkad deeq lacaged gaarsiisay Ururkaan, iyadoo ururkaan xubnaha ku jira jeebkooda ay ku dabaraan ilaa hada howsha ay wadaan ee la xidhiida waddooyinka.

Maamulaha Telesom Boorama Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa deeqdaan lacageed ee 10.000 Doolar gaareysa gacanta u galiyay Ururka ARNA.

Maamulaha TELESOM C/qaadir Aadan Nuur iyo Guddoomiyaha Gobalka Awdal

Dhamaan shacabka ku dhaqan gobalka Awdal ayaa talaabadaan soo dhaweeyay iyagoo ku tilmaamay Telesom inay tahay shirkad mar walba danta shacabka ka shaqeysa.